Afhayeenka Hawiye oo weeraray siyaasiyiinta lagu tuhmayo in ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ay ka socdaan dadaalo lagu dhisaayo Dowlad cusub ayaa waxaa hadana soo baxaaya dhaliilo aad u xoogan oo loo jeedinaayo musharaxiinta dooneysa inay bedelaan dowlada Hadda jirta.

Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa aad u dhaliilay ololaha ay wadaan qaar kamid ah Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Siyaasada ee Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Cabdullaahi Xasan Abuukar ”Cabdullahi dheere”, ayaa sheegay inay dhaliilsan yihiin qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Madaxtinimada Somalia.

Cabdullahi dheere, waxa uu sheegay in Musharaxiinta qaar ay dhibaatooyin u horseedayaan dalka, waxa uuna tilmaamay in qaarkood ay horay ugu soo fashilmeen Siyaasada, halka qaarna ay yihiin kuwa aan laheyn itaal Siyaasadeed oo ay ku maareynkaraan Siyaasada.

”Waayadaanba waxaan arkeynay in Umadda la qalqal galinaayo waxaa yimaaday musharaxiin oo mid waliba uu ku doodaayo inuu yahay Musharax, intooda badan markii ay ka tirsanaayen dowladihii dalka soo maray waxba kama sheegi jirin hadda ayay sheegayaan xumaanta dowlada oo aan anagu noo muuqan”

”Musharaxiintaani waxaan ku qanci laheyn haddii ay dowlada dhaliili lahaayen mudadii ay xilka hayeen balse hada garan meyno qaab aan kalsooni ku siino”

”Waxaa musharaxiinta ku jira rag badda Somalia soo iibsaday ma waxay doonayaan inay iibsadaan Barriga iyo Badda marba haddii ay horay u iibsadeen badda”

”Waxaan hubaa in Musharaxiinta hadda ceyneysa dowlada ay amaani doonaan haddii dib loogu celsho xilalkii ay heyn jireen, waayo iima muuqato rajo ay kusoo kordhinayaan Siyaasada Somalia”

Cabdullahi dheere, waxa uu sheegay in Musharaxiinta xiligii ay hayeen xilalka dowlada ay ahaayen kuwo u sacbin jiray dowlada Ethiopia hayeeshee ay hadda isku muuqaal ekeysiinayaan kuwo naceb dowlada Ethiopia.

Cabdullahi dheere, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in madaxda qaar aysan laheyn Hadaf Siyaasadeed waxa uuna farta ku goday in gabi ahaan ay yihiin kuwo ku jiray qaanada dowlada, hayeeshee markii laga soo saaray ay bilaabeen dhaliilo.

Waxa uu ka digay in Umadda soomaaliyeed ay ku kadsoomaan waxa uu ugu yeeray ”Kuwa aan damiirka laheyn”.

Haddalka Afhayeenka ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay marti galineyso doorasho iyo Siyaasiyiin kala ceyn ah oo sheeganaaya inay yihiin musharaxiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com