XOG-WARRAN: Soomaaliya iyo Kenya, maxey kala beddesheen?

Heshiiska ganacsi ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku wada saxiixdeen caasimadda Muqdisho, waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey bulshada qeybaheeda kala duwan, haba ugu badnaadaane siyaasiyiinta ka horjeeda dowladda ee xaglaha aan qummaneyn ka eega tallaabooyinka dowladdu qaaddo.

Waa dhab in heshiisku ay ku jirtay in Khaatkii maalmo sida ku-meel-gaarka u xayirnaa la fasaxo oo dib loogu soo daabbulo dalka, si lacagtii adkeyd ee Keenyaanku ka helayeen u sii socoto, daroogadii iyo suntii Soomaalidu cuni jireenna halkeedii laga sii wado. Hayeeshee haddii dhinaca togan laga eego heshiiska, waxa uu leeyahay faa’iido ballaaran oo aan hore u jirin, isla mar ahaantaana u eg aragti maan fayoow ka timid.

Waxaan jeclaan lahaa inaan is tusinno in aanan Khaatka markii horeba la joojin ee si KMG ah loo xannibay. Sidoo kale dowlad Soomaaliyeed oo xilligan joojin karta ka ganacsiga Khaatka aysan jirin, maxaa yeelay amarkeedu kama dhaqan gelin karto gobolada qaar, mana sugi karto ammaanka xuduudaha dalka oo dhan. Tusaalaha ugu yar ayaa ah Khaatkii laga joojiyey inuu caasimadda tago, waxaa laga dejiyey Gaalkacyo, Garoowe iyo Hargeysa, waliba magaalada Xamar ayaa lagu keenay dooman. Waxey taasi ku tuseysaa in dowladdu aysan soo saari karin amar nuucaas ah oo Khaat lagu xannibi karo, xataa dowladdu ma hor joogsan karto dambiile baxsad ah, in dalka uu ka dhoofo. Bal eeg ninkii dhacay Bangiga Dhexe ee qasnajiga ahaa xagguu ka dhoofay, maxaa xudduudaha iyo waaxda socdaalka sawiradiisa loogu baahin waawey loona dhihi waayey waa ‘WANTED’, ha la soo xiro? Waa astaan tabardarri ka muuqato, iyo maamul xumo, mana ahan suura-gal in Khaat amar dowladeed oo hadda jira lagu joojiyo.

Haddaba maadaama Dowladdu ay saxiixday heshiis, maxey dalka iyo dadka u keentay oo ay soo saxiixday, taas ayaa ah mid si weyn noo quseysa, waayo Khaat waa kii waligii na la degganaa ee dhibaato caafimaad, burbur qoys iyo waalliba nagu salliday. Jid aan wacyi-gelin aheyna Khaat lagu joojin karin.

Anigu waxaan dhihi dhahaa dowladdu waxa ay shacabkeedu u soo qaadday cad ama qeyb libaax oo aan sinnaba loogu dhaliili karin, ammaan mooye’e. Dowladdu waxa ay Khaatkii dhibaatada nagu hayey ee dal iyo dadba na dhalan rogay, lana joojin waayey, noogu soo beddeshay dhowr qodob oo aan horeba u heysanin, qaar dhibaatooyin jira lagu furfuro iyo kuwa dano dhaqaale oo muhiim noo yeelan kara.

Soomaaliya waxa ay Kenya kaga beddelatay oggolaanshihii Khaatka, saddex qodob oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed oo dhan:

1 – In Kenya ay joojiso baaritaanka dhibka badan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto degmada Wajeer, marka ay ku sii jeedaan Nairobi, muddo saddex bil gudaheed.

2 – In Kenya fududeyso dalka-ku-galka la siiyo muwaadinka Soomaaliga ah ee heysta baasaboorka Soomaaliya.

3 – In bangiga ganacsiga ee Kenya (Commercial Bank of Africa (CBA)) uu xarun ka furto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waa bangi ka howl gala dalal badan oo ay ku jiraan Uganda, Tanzania, South Sudan, Rwanda iyo Burundi, sidoo kalena wuxuu qorshahooda wadaa waddamada DRC Kongo iyo Jabuuti.

Saddexdaas qodobba, cid aysan faa’iido ugu jirin ma jirto. Waa is indho-tirid, marka la yiraahdo sunta Khaatka ayaa lacag adag lagu beddeshay! Aan is weydiinee ma Khaat ayaa weligii ka baaqsaday Soomaaliya? Sow tii dowladda Soomaaliya markii ay Khaatka xannibtay, laga dejiyey Garoowe, Gaalkacyo iyo Hargeysa? Sow tii Xamar lagu keenay doomo Khaat sida? Sow tii dowladda lagu cambaareeyey in qoysas dan yar ah ay biilan jireen iibinta Khaatka, fursado ka duwanna aan loo abuuri karin?

Haddaan intaas oo dhan si miir leh uga sheekeysano waxaan dhihi karnaa, saddexda qodob ee Kenya inoo saxiixday waa guul noo soo wada hoyatay. Danaha, haddaan Soomaaliya na ahay, Kenya nooga xiran muggiisa ayuu leeyahay. In socdaalka labada dal la fududeeyo waxaa ku jirta dano ganacsi, caafimaad, iyo siyaasadeed. Tan ku aaddan furidda xarunta Muqdisho ee bangiga ganacsiga Kenya [Commercial Bank of Africa (CBA)] waa guul aad u weyn oo dhanka ganacsiga iyo siyaasadda laga soo hoyay. Kenya waxaa ka furan ganacsi ay Soomaali leedahay oo awooddiisa laga wada dheregsan yahay. Ganacsatadaas waxaa u fududaan doonta in labo magaalo oo deris ah ay ula noqoto Muqdisho iyo Nairobi.

Dowlad Soomaaliyeed oo tiraahda “Waxaasi nama qabtaan, ama waxaas ha na loogu beddelo waxaas kale”, miyaa waayahan dambe na soo martay?. Dowlad suntii Khaatka ee maareynta loo waayey joojintiisa, ee lacagaha adagi nooga bixi jireen, u keentay iney ku furfurto xujjooyin dadka Soomaaliyeed heystay muddaba; socdaalka, ganacsiga iyo ammaanka.

Waxaa jira ceebo badan oo ammaanka iyo siyaasaddaba ah, kaasoo dowladda lagu dhaliili karo, laguna ceebeyn karo, ciddii mucaarad ah ee damac ku jirana ay faagfaagi karto. Laakiin, cillad loo heli karo shirkii IGAD ee sida aadka u quruxda badan Xamar uga dhacay iyo heshiiska ganacsi ee ay dowladda Soomaaliya la gaartay Kenya, anigu ma arko.

W/Q: Yusuf Shuqale

Aqoon-baare madax bannaan

Email: yhamari@gmail.com