Xog: Culimo Itixaad ah oo ay DF isticmaaleyso oo aad uga carreysiiyey Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xukuumada Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ugu adeegsaneyso Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xukuumadda ay qorsheyneyso in shirka dib u heshiisiinta Galmudug, ee dhawaan la doonayo in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ay daah furaan Sheekh Bashiir iyo Sheekh Nuur Baaruud, oo ah laba wadaad oo aad ugu dhaw xukuumadda.

Labadaan wadaad ee Al-Itixaadka ah, ayaa rabitaanka ay dowladdu ku geynayso Dhuusamareeb, waxa uu si weyn uga careysiiyay culumada suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljamaaca oo iyagu awood badan ku leh bartamaha Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo shir ay iskugu yimaadeen culumada Ahlu-Sunna, oo iskaga kala yimid gobolada la isku yiraahdo bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, loogana hadlayo arrintan.

Ahlu-Sunna ayaan la ogeyn tallaabada ay ka qaadan doonto arrintan, waxaase suurta-gal ah inay ku dhowaaqdo diidmo ka dhan ah qorshaha ay waddo xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com