Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Maraykanka ay u sheegtay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.
Xasan Sheekh ayaa farriiintan loogu gudbiyey kulan gaar ah oo safiirka Maraykanka iyo isaga ku dhex maray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa Xasan kula kulmay qaybta VIP ee garoonka kadib markii uu Xasan kasoo laabtay Kismaayo, isaga oo u sheegay in ay qabaan inuu baneeyo xafiiska marka waqtigiisu dhammaado, taasi oo uu Xasan si weyn uga carooday.
Schwartz ayaa u sheegay Xasan in dowladda Mareykanka ay ogtahay in xildhibaano badan ay kusoo baxeen qaab musuq maasuq ah, badankoodna ay yihiin taageerayaasha Xasan, taasi oo hanaankii doorasho ee Soomaaliya ka dhigtay mid aan xalaal noqon karin.
“Mareykanku waxay u sheegeen Xasan in xalka kaliya ee furan uu yahay in Xasan aanu is-sharxin, maadaama xildhibaano badan oo sharci darro ah uu haysto, taasi oo doorashada ka dhigtay mid aan caddaalad noqon karin” ayuu yiri diblomaasi arintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin.
Sida xogta aan ku helnay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale Xasan u sheegtay in beesha caalamku ay dhibsadeen horumar la’aanta ay dowladdiisa la timid iyo deeqaha caalamka ee ay musuqeen intii uu xilka hayey.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku gacan seeray dalabka dowladda Mareykanka, kuna adkeystay inuu musharax yahay.
Arrintan ayaa ka dhigay in haddii Xasan uu guuleysto ay Soomaaliya wajaheyso afar sano oo kale oo beesha caalamka ay marnaba si dhab ah u taageeri doonin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

