Xog: Cumar Filish oo kulan qarsoodi la qaatay guddi ku howlan dhismaha maamul uu yeesho gobalka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa toddobaadkaan xafiiskiisa ku qaabilay guddi siyaasiin ah oo ka socda Beelaha Hawiye, kuwaas oo ka socda guddi kale oo ku howlan dhismaha maamul uu yeesho gabalka Banaadir. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiye Cumar Filish uu xubnahaan kala hadlay howsha ay wadaan iyagoo weydiiyay talooyin ku aadan dhismaha maamulkaas, sidoo kalane kala hadlay caqabadaha qaar ee ku horgudban dhismaha maamulkaan. 

Si rasmi ah looma oga socdaalka xubnahaan waxa uu salka ku haayo hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in kulanka dhaxmaray uu ahaa mid qarsoodi ah oo aysan waxba ka ogeyn madaxda kale ee dowladda Soomaaliya. 

“Waxaan u sheegnay in Muqdisho ay degan yihiin dadkiisa, ayna yihiin kuwa ugu dhiban Soomaaliya islamarkaana bixiya lacagta canshuurta ah ee xaqa loogu leeyahay, dhibaatooyin siyaasi ahna waa heestaan, xuquuqo badanna waa ka maqanyihiin dhamaan wixii aan kawada-hadalnay waa isku afgaranay,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii la kulmay guddoomiye Cumar Filish oo la hadlay Caasimada Online. 

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la aaminsan-yahay in xilkiisa ku waayay abaabulka dhismaha maamul gobaleed uu yeesho gobalka Banaadir lamana oga waxa uu ku muteysan karo Cumar Filish haddii uu sii wado kulamadaan.