Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay kulamadii ka socday magaalada Garoowe ee lagu kala saxiixday qodobada dhowrka ah oo ay Puntland uga tanaasuleysay nidaamka 4.5.
Keating, waxa uu sheegay in kulamdii leysugu soo dhaweynaayay DFS iyo Puntland ay ahaayen kuwo loogu gol leeyahay in Somalia ay si mideysan uga qeybgasho doorashooyinka la filaayo waxa uuna farta ku goday in Caalamka uusan ku qanci laheyn doorasho qabyo ah oo ka dhacda Somalia.
Keating, waxa uu sheegay in mudada uu kulanka ka socday magaalada Garoowe ay u muuqatay keliya in kulanka lagu qaad-qaadayay arrimaha Puntland, waxa uuna bidhaamiyay in dhammaan wixii laga doodaayay ay ahaayen sidee Puntland lagu gaarsiin karaa danaheeda gaarka ah?
Waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay ay badi yihiin kuwo awoodo gaar ah siinaaya Puntland, waxa uuna ku taliyay in iyada oo laga fakiraayo aayaha Somalia ay mudan tahay in dib loogu laabto oo wax una laga bedelo qodobadaasi.
Keating, ayaa hadalkaani ka sheegay kulan gaar ah uu magaalada Garoowe kula qaatay Xubno ka tirsanaa wafdiga Dowlada, isaga oo rajo ka muujiyay in wakhtiyada soo socda Somalia ay ka shaqeyn karto awoodaha Dowlada bedeli doonta tan iminka jirta.
Keating waxa uu sheegay in waxyaabaha Garoowe uu ku arkay ay kamid ahaayen:
1- In masiirka Somalia uu gacanta ugu jiro umaddo kale oo aan dalka u dhalan.
2- In Soomaalida aysan is adeecin oo keliya ay adeecaan umadaha kale, waxa uuna carab dhabay in Heshiisyadii la kala saxiixday ay kaalin ku lahaayen Dowladaha Somalia saaxiibada la ah.
Geesta kale, Keating waxa uu sheegay in mar waliba ay ku taamayaan Somalia oo leh hal mowqif iyo awaamirta Dowlada oo aan laga soo daba saarin awaamir kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]