Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen isku soo dhawaansho, ayna bilaabeen kalsooni-dhis kadib xiisaddii ka dhex qaraxday horraantii sanadkii hore.
Wada-hadalladan, oo xal looga gaaray is-afgaradkii Somaliland ka carootay ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo bisha Juun ee sanadkan.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xaqiijiyay in ay harsan yihiin illaa afar kulan, kadibna ay labada dal soo gabagabeyn doonaan wada-hadallada, kuwaas oo kasoo bilowday Ankara una sii gudbay Addis Ababa iyo Muqdisho.
Gabagabada wada-hadallada labada dal ayaa lagu go’aamin doonaa habka ay Itoobiya ku heli lahayd deked ay ganacsigeeda u adeegsato, iyadoo dowladda Soomaaliya meesha ka saartay suurta-galnimada in dhul badeed la siiyo Addis Ababa.
“Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib, kuwaas oo ku aaddan bisha Juun, waxaana lagu go’aamin doonaa dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore meel adag uga istaagtay damaca Itoobiya ee dhul badeed, iyadoo si adag uga hortimid is-afgaradkii ay Addis Ababa ku gaareen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada dal ayaa soo hagaagay kadib wada-hadalladii Ankara, iyagoo kadib yeeshay wada-hadallo ka dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.
Labada masuul ee ugu sarreeya labada dal, Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa sidoo kale booqasho ku tegay caasimadaha labada dal – Addis Ababa iyo Muqdisho – si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac, islamarkaana looga miro-dhaliyo wada-hadallada socda.