XOG cusub oo laga helay lacag XASAN Sheikh uu siiyey xildhibaano diidanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya xildhibaanno 33 gaaraya oo horey ay Caasimada Online u sheegtay inay ka laabteen dalabkoodii ahaa is-casilaadda madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha Somalia uu xildhibaannadaas midkiiba ku aamusiyey lacag gaareysa 20 kun oo dollar, si ay u joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah isaga.

Madaxweynaha Somalia, oo sidan oo kale u laaluushay xildhibaannadii riday ra’iisul wasaare Saacid, ayaa la sheegay inuu qaaday tallaabadan isaga oo rumeysan in haddii aan si deg deg ah loo laaluushin xildhibaanada ay badan karaan, taasi oo keeni karta in xilka laga qaado.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan xildhibaanno gaaraya illaa 20 oo madaxweynaha uu la ballansan yahay toddobaadkan, si ay ayaguna u qaataan lacag taas la mid ah, ugana tanaasulaan dalabka is-casilaadda.

Lacagta sidan loogu tagrifalayo, waa tii umadda Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.

Madaxweynaha oo aad uga walaacsan cadaadiska cusub ee soo food saaray, ayaa dhinaca kale shalay qaabilay odayaashii soo xulay xildhibaannada, isaga oo ka codsaday inay la hadlaan xildhibaanada una sheegaan in ay tanaasulaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com