DF oo ka war-heshay qorshe Kenya ay ka damacsan tahay HARGAYSA (XOG)

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga carootay go’aan la sheegay in ay dowladda Kenya ku gaartay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furato magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii doraad baahiyay in sababta ay dawladda Somaliya ugu yeeratay safiirkeedii Kenya joogay Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo markii hore loo fasirtay inay la xiriirto xarig loo gaystay diblomaasi safaaradooda ka tirsan, ay hadda cadaatay in sababta loogu yeeray ay ahayd caro ay dowladda Soomaaliya ka qaaday laba xafiis oo ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland iyo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba, iyadoon waxba lagala socodsiin.

Wargeyska ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan raysal wasaarahooda Cabdiweli Sheekh Axmed uu dowladda Kenya u qoray dhambaal uu kaga dalbanayay in la tixgeliyo. Laakiin wargeysku muu raacin wax jawaab ah oo ay dawladda Kenya ka bixisay, balse wuxuu tilmaamay in jariiradu isku dayday inay la xiriirto wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, si wax looga weydiiyo xafiiska ay Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa, taasina aanay suurtogelin, waxaanu tilmaamay inuu sidoo kale xiriiro la sameeysay saraakiil kale, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan, xaasaasiyada ay arrintani leedahay darteed.

Hadalkan la sheegay inuu qoray wargeyska ka soobaxa dalka Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo Safiirka soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya danjire maxamed Cali Ameeriko uu doraad sheegay in dowladda Kenya jawaab rasmi ah ka bixisay xariggii qun sulkii soomaaliya ee ay ciidamada Kenya xireen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com