Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Favori, yaa soo laaluushay?

Shirkada SKA oo horey u maamuli jirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si qasab ahna Xukuumadii hore ee R/Wasaare Saacid uga wareejisay Maamulida Garoonka Diyaaradaha ayaa hada qarash badan ku bixineysa sidii Baarlamaanka u eryi lahaa Shirkada Favori ee hada gacanta ku heysa Maamulida Garoonka .

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in Shirkada SKA ay ku dadaaleyso sidii meesha looga saari lahaa Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee Favori taa oo kala wareegtay SKA maamulida Garoonka Aadan Cadde kadib heshiis ay la gashay Xukuumadii hore.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada waxaa hor yaala cod ay u qaadayaan in Shirkada Favori ay sii maamusho Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho iyo in shirkadaasi laga eryo Howlaha ay garoonka kawado.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo lacago kasoo qaaday Shirkada SKA iyo meelo kale ayaa wada qorshe ay Xildhibaanada uga dhaa dhicinayaan in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde laga wareejiyo Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee Favori.

Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa kasoo horjeeda in Shirkada Favori oo balan qaaday in dib u dhis casri ah ku sameeneyso Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde in laga joojiyo shaqada , waxa ayna tilmaameen in arintaasi laga yaabo in ay saameyn ku yeelato Mashaariicda Dowlada Turkiga ka fulineyso Magaalada Muqdisho.

Shirkada SKA ee horey looga wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dadaal badan iyo qarash ku bixisay sidii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde looga wareejin lahaa shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga lamana oga go’aanka ugu dambeeya ay Baarlamaanka ka qaadan doonaan Shirkada Favori ee maamusha Garoonka Aadan Cadde.

Isha: Allbanaadir