Axmed Madoobe oo wafdi sare u diray Buulo-Xaawo iyo xog la helay ujeedka

Doolow (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas galabta ay gaarayn wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Jubbooyinka.

Wafdiga waxaa hoggaaminaaya madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Gen Cabdulaahi Ismaacil Fartaag, waxaana ay Doolow u tagayn siddii ay damin lahaayeen xiisad ka taagan degmada Balad-xaawo.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaaray Doolow ayaa sheegaya in wafdiga ay kulamo la lee yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidanka Degmada, waxaana ay kala hadlayaan siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababta u ahaa xiisadda ka taagan halkaas.

Dhinaca kale, Waxaa Ceelwaaq ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminaayo abaabduulaha ciidamada dowladda ee Jubbooyinka iyo Gedo, Korneel Cabaas, wuxuuna isna qeyb ka yahay dadka doonaya in la damiyo colaadda ka aloosan Baladxaawo.

Sidoo kale Garbahaareey waxaa isna gaaray wasiirka gaashandhigga xukuumadda, Maxamed Cali Xaamuud, waxaana uu ku wajahan yahay Buulo-xaawo si uu uga qeyb qaato daminta colaadda ka taagan magaaladaas.

Magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo waxaa maalin ka hor ka dhacay dagaal khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geestay, waxaana dagaalladaas uu ka dhexeeyay ciidamo kala taageersan maamulada Doolow iyo Baladxaawo.

Dad badan ayaaa aaminsan in dagaalka Buuloxaawo ay ku lug lee yihiin maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo taageero siiay maamulka Doolow.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com