25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog cusub oo laga helay qorshihii lagu dejiyey kulankii Gaas, CC iyo Faroole

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasmada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka dhacay kulan Seddex geesood ah oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Kulanka oo qaatay dhowr saacadood ayaa waxa uu ka dhacay Aqalka Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, waxaana kulankaasi banaan joog ka ahaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Kulanka oo ahaa mid aan sidaa horey looga warqabin ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid ahaayeen Ololaha Doorashooyinka iyo taageerada looga baahan yahay Xildhibaanada cusub ee lagu doortay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo lahaa fekerka kulanka ayaa waxa uu labada Mas’uul ka dalbaday inay wada sameeyan wadashaqeyn, Kalsooni iyo iska warqab muuqda, si buu yiri looga takhluusiyo Musharaxiinta kale.

Madaxweyne Gaas, waxa uu sidoo kale Labada Mas’uul u sheegay in midkood looga baahan yahay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Somalia taasna ay ku imaan karto in ay Codkooda Mideeyaan.

Ra’isul wasaare Cumar iyo C/raxmaan Faroole ayaa iyaguna sheegay inay ka go’an tahay inay ka itaal roonaadan Musharaxiinta kale oo uu ku jiro Xasan Sheekh Maxamuud.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan Faroole, ayaa garab ka heysta Xildhibaanada cusub ee kasoo jeeda Beesha Daarood, waxaana lagu wadaa in Doorashada Somalia ay dhacdo Dabayaaqada Bishaan December ee aan ku jiro.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu dejiyey in xildhibaanada Puntland, iyo kuwa guud ee beesha Daarood la xaqiijiyo inaysan codkooda siin qof aan beesha u dhalan, qorshahaas oo fulintisa mar dhow la guda galayo.

Kulanka ayaa waxaa walaac looga muujiyey xaqiiqda ah in dadka ugu cad-cad madaxweynaha ay badankood yihiin Hawiye, gaar ahanna Abgaal, taasi oo la sheegay inay tahay mid u baahan in wax laga qabto.

Waxaa si guud kulanka la iskula raacay in la xaqiijiyo sidii beesha Puntland ay gacanta ugu dhigi lahayd xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasmada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News