Xog cusub oo laga helayo qaraxii Muqdisho iyo qofka leh baabuurka la qarxiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo mas’uulka lahaa gaariga miinada lagu xiray.

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qaraxa gaariga, oo uu lahaa Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Laami yaraha Zoobbe ee Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxa ku geeriyooday wadihii Gaarigaas.

Xildhibaanka Gaariga iska leh ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar oo ka mid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, sidoo kalena wasiir ka soo noqday maamulka Koonfur Galbeed.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.

Laami yaraha Zoobe ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan marka loo eego isticmaalka gaadiidka dadweynaha.

Qaraxan waa kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Degmada Hodon, iyada oo shalay Gaari ay leeyihiin Booliska uu ku qarxay agagaarka Seybinaayo halkaas oo uu ku geeriyooday Wadihii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com