Xog cusub: Qorsho Xubno ka tirsan Daljir ay uga mid noqonayaan Xukuumada Kheyre oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xigan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia waxaa socda qorsho Xukuumada Somalia ay uga soo dhexmuuqan lahaayen Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Daljir.

Qorshahaani oo kasoo bilowday magaalada Cadaado, iminkana ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa wada Xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee isku soo dhaweyntaani uu yahay in Seddexda sano ee u harsan Farmaajo lagu dhameeyo Siyaasad degan.

Qorshaha socda ayaa ah in Xisbiga Daljir lasiiyo Wasaarada Amniga iyo laba Wasiir ku-xigeen oo ay kala qaadan doonaan xubno kala beel ah, oo midi uu ka imaan doono baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo xiliga doorashadiisa codadka ugu badan ka helay Xildhibaanada Daljir ayaa iminka u muuqda mid garwaaqsaday in dowladiisa ay xal ku raadiso Siyaasada cakiran, waxaana xusid mudan in Xildhibaano miisaan badan ay kamid yihiin Daljir.

Daljir ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xasan Macalin iyo Axmed Fiqi oo garab midig u ahaa Madaxweyne Farmaajo, iyadoo tashwiish laga dhex awuuray aawgii ay ku kala tageen Siyasaada, wallow uu iminka socdo wadahadal aan weli soo ifbixin.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta madaxa-banaan iyo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa qaba in Dowlada Somalia iyo Daljir ay ku kala tagi doonaan xilalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com