Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu xil ka qaadis ku sameyn doono Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia C/raxmaan Tuuryare.
Madaxweyne Xassan ayaa la soo warinayaa in xilkaasi uu u magacaabi doono Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan BFS, halka Tuuryarane lagu wado in loo magacaabo Magareeshinka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu doonaayo in labadaasi mas’uul uu Caawa xilalka u kala magacaabo, waxaana jira warar kale oo sheegaya in Villa Somalia uu iminka ka socdo kulamo wada tashi ah.
Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. Gaafow ayaa isna lagu wadaa in loo dhiibo xil kale oo aan ilaa iminka la sheegin waxa uu yahay.
Isbedelkaani ayaa qeyb ka noqon doona isbedelo dhawaanahaani uu waday Madaxweyne Xassan oo si aad u dhaliilsan Fashilka heysta laamaha amniga.
Ma cadda sida uu xaalku noqon doono, waxaana suuragal ah in dib u dhac uu ku imaado qorshaha caawa la filaayo in lagu magacaabo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com