New York (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya gaar ahaan shirkii uu uga qeyblay halkaasi, shirka ay ku baaqday dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya, iyo sidoo kale dowladda bixisay lacagtii la siiyey qareennada u doodaye Soomaaliya ee dacwadda badda.
Ugu horreyn wuxuu sheegay in caalamka hadda Soomaaliya u arko in ay isbedal badan sameysay, sidoo kalena ku socoto wadadii horumarka.
“Adduunka waxay ka sheegaan Soomaaliya waa iney billaabatay Soomaaliya cusub, inaan ka mid nahay dowladaha Adduunka, inaan nahay dad doonaya in dadkooda iyo dalkoodaba iney horumaraan, oo ay ka baxaan saboolnimada, dagaalka iyo xumaantada oo waddanka la dhiso, kuna dhisan mabaadi’da dimoqraadiga, is afgarasho, nabad galyo, walaalnimo, marka ilaahay ha inala qabto”
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkii uu uga qeybgalay Maraykanka uu wax badan ka bedalnaa shirarkii hore.
“Wey kala duwan yihiin oo waxay u kala duwan yihiin sanadihii hore halkii la joogey iyo midkan hadda la joogo wey kala duwan yihiin, laga yaabo 5 ama 6 sano kahor laga hadlayey sidii Xamar loo xureeyn lahaa, sidii dowlad loo sameyn lahaa, waxaas waa lasoo dhaafay, sanadkaan waxaa laga hadlayaa sidii doorasho loo tagi lahaa, sidii Adduunka looga qeybgali lahaa, sidii maatideena iyo dumarkeena loo hagar bixin lahaa, sidii maalgelin loogu sameyn lahaa waddankaan, sidii Iskuullada oo dhan loo furi lahaa, sidii looga faa’ideysan lahaa Isbitaallada cusub ee la sameeyay, marka waqtiga iyo fariinta wey isla socotaa” wasiir hadliye ayaa sidaasi u sheegay Goobjoog News.
Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay iney qaban doonto shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, sidaa darteed waxa aynu wasiir hadliye weydiinnay muhiimadda shirkaasi ee Soomaaliya u leeyahay iyo sidoo kale waxa looga hadli doono.
“Aad baan usoo dhoweynay, barigii hore dowladda Xasan Sheekh ka madaxda yahay marii ay dhalatay shirkii ugu horreeyay waxaa lagu qabtay London, shirkaasina wax weyn buu Soomaaliya u taray, iminkana waxaa la rabaa in shir kale lagu qabto, Ingiriisku wuxuu ka mid yahay wadamada aadka inoo taageera, wadamada ina agtaagan had iyo jeer, marka aad baan usoo dhoweynay shirkaasi”
“Shirkaasi wuxuu ku saabsanaan doonaa lacag in la hoosgeeyo Soomaaliya loo sameeyo, in wixii mucaawino ee la siin lahaa Soomaaliya laga wada hadlo, in la isugu keeno dadka taageeraya oo dhan Soomaaliya iyo wadamada kale iyo in 4-ta sano ee soo socota hadane loo gacan qaban lahaa Soomaaliya”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey muhiimmadda shirar uu la qaatay mas’uuliyiin dhowr ah iyo arrinta ku aadan taageerada caalamka ee Soomaaliya.
“Waxaan ka wada hadalnay mucaawinada Soomaaaliya siiyaan inaan ku faraxsannahay iney iyaguna ku faraxsan yihiin muwaacinadii ay bixiyeen ay Soomaaliya caawisay, in Soomaaaliya horay u socoto, iney kasoo baxday waqtigii adkaa, in Soomaaliya matalaad u tahay caalamka kale ee dhibaatooyinka ku jira, iney tahay waddanka kaliya ee dhibaatooyinka kasoo baxaya, waan is afgarannay, muwaacinadoodana wey sii soconeysaa, waana u mahad celinay wixii hore ee ay ina tareen” Hadliye ayaa sidaasi yiri.
Maadaama doorashada Soomaaliya ay dib uga dhacday waqtigeedii saxda ahaa, ayeeynu wasiir hadliye weydiinnay waxa aragti ahaan ay arrintaasi ka qabaan madaxdii uu la kulmay.
“Aniga uma haysto dib u dhac inuu ku yimid doorashada, laakiin maadaama la qabanayo doorasho waxaa muhiim ah in doorashada dhaqsi u dhacdo, in waddan hadda dhibaato kasoo baxaya ay doorashadiisa 2 ama 1 todobaad dib u dhacdo doorashadiisa uma haysto micno weyn iney sameynayso”
Dhowaan waxaa lasoo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo Afar maalin ka socotay maxkamadda ICJ, hadaba wasiir hadliye ayaan ugu dambeyn wax ka su’aalnay cidda ama dowladda sida rasmiga ah u bixisay qarashka la siiyey qareennadii difaacayey Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in wasaardda arrimaha dibadda ay keentay lacagtaasi, islamarkaana ay bixisay dowladda Imaaraadka.
“Wax badan kama maqlin laakiinse waxaan ku jiraa dadka ka shaqeeyay arrintaasi, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lacagta keentay, annaga ayaa lacagta looyarada ka keennay wadamo kale, gaar ahaan waxaan ka keennay wadanka Imaaradka” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.