Xasan Sheikh oo Jawaab kale siiyay musharixiinta isbaheysiga ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay sanadkaan ku kacsan yihiin musharaxiin badan ayaa u jawaabay isbaheysiga musharixiinta oo isaga mucaarad ku ah.

Musharixiinta ayaa doonaya iney dib u dhigaan hanaanka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Wuxuu u sheegay musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka inaan lagu dagdagin dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa lagu hishiiyay in sanadkii hore maamul loo dhisaa, sanad iyo ka badan ayaa lagu mashquulsan yahay, maalin walbaa cid ayaa la qancinayaa, ma aqaan sabab loo yiraahdaa waa la dadajiyay”.

“Labada gobol dadkii u dhashay ee talada maamulkaasi lahaa, waxay joogaan magaalada Jowhar iyaga ayaana maamulka dhisanaya ee yaan la dhihin waa lagu dag dagay dhismaha maamulkaasi”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa muddo sanad ah culees uu ka taagan yahay dhismahiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com