Qeybta 2-aad: Musharaxiinta rasmiga ah iyo Musharaxiinta Qooto Qooto

Maxamed Ali Nuur, “Americo” wuxuu ku dhashay Xamar, wuxuuna ka soo jeedaa qoys dhinaca ganacsiga caan ku ah, reer magaalna ah. Walaalihii iyo isagaba waa dad waalidkood si fiican wax u soo bareen, Maxamed Ali Ameriko waa aqoonyahan laga garto calaamadaha akhlaaqiyaadka qofeed, samirka iyo deggenaanta.
Markii ugu horreysan oo “Public figure” noqday, waa markii uu bilaabay shaqadii dibloomaasiyadda, gaar ahaan  markii loo magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya Kenya, ka horna wuxuu muddo kooban  “Chief of Cabinet” uu ka ahaa xafiiskii Ex Ra’isul wasaare Ali M Geedi, dowladdii Mbegathi ee fashilintay oo Meles Zenwi u dhisay Somalia.
Wuxuu safar taariikhda galay, uguna magac darray socodkii nabadda ku kala bixiyay dalka oo dhan iyo xarumaha Jaalliyadaha Somaalida ee qurbo ku noolka ah.
Hadda waa murashax aan la aqoon xisbiga uu ka soo jeedo, laakin Ololihiisa doorashada wuxuu ka dhex muujiyay qoom shuhuuba ah, qaswadayaal ah, horayna ugu soo fashilmay siyaasadihii dalka ee doorka ku lahaayeen. Maxamed Ali Ameriko haddii uu si madaxbannaani ah ololihiisa u wadadan lahaa, si la mid ah socodkii safaradiisa , wuxuu kasban lahaa quluubta jamaahiirta Somalida intooda badan.
C/raxmaan Faroole: Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, wuxuu ka mid yahay murashaxiinta mar hore ku dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka madaxweyne. Cid kasta wey ka dheregsan tahay shaqsiyadiisa, waxaana lagu bartay inuu mucaarado dowladda Soomaaliya ka hor iyo kadib-ba markii uu xilka Puntland ku fadhiyay iyo markii uu xilka ka degay. Waxaa  lagu yaqaan xag jir qabiil iyo inuu jeediyo hadalo qaran dumisnimo ah.
Muddadii uu horjoogaha ka ahaa maamul beeleedkiisa isirnimada xuduudeed calaamadaha u ah weligii hal mar ayuu soo booqasho ku yimid magaalo madaxda Somalia, halka in kabadan min 200 jeer booqashooyin aan nasasho lahayn ku tagi jiray Addis-Ababa iyo Nairobi oo ay caddahay in labadaas meel laga hagagi jiray.
Waa qabqable beeleed af adag oo dadka reer koonfurta u arka in beel kaliya kasoo jeedaan, mudadii uu xukumayay Puntlandna wuxuu dhaxlay taariikh madow oo bulshada Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin, soona xasuusan doona marka laga hadlo Faroole ama madaxweyne Puntland lasoo hadal qaado.
Mar walba oo uu ka hadlo dowladda federaalka, wuxuu ku tilmaami jiray dowlad fadhiid ah ama uu ugu yeeraa “qolyaha xamar fadhida” hadiiba ay dhacdo in uu ku guuleysto mansabka Soomaaliya, ma wuxuu dowladda fadhiisin doonaa Garowe, maadaama uu madaxdii ka horeysay ugu yeeri jiray qolada xamar fadhida?. rajada laga qabase in xildhibaanada doortaan ayaa mugdi ku jirta, qaarkoodna u arka qabiiliiste dhuuxa iyo lafaha qabyaaladi ka gashay.
La soco qromada xigta Insha Allah
W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali, Caasimada.com