Muxuu Xasan ka yiri dhalinyaradii India dilka ku xukuntay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hadlay dilkii dowlada Inida ay ku xukuntay ku dhawaad 50 dhalinyaro ah oo burcad badeednimo lagu eedeeyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadin kastaa oo ku xiran dalka India.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaalida ku xiran Mombai uu kala hadlay ra’iisul wasaaraha dalka India, isagoo dalbaday in arintan la xalin doono.

“Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo safaaraddeena aan ku leenahay magaalada Delhi oo iyagoo kaashanaya qareenada u doodaya maxaabiista si fiican u gudagaley kiiska wiilashan xiran.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in been abuur ay tahay in dil lagu xukumay 50 dhalinyaro Soomaali  ah, isagoo sheegay in dam,biyada ay galeen aysan dil ku muteysan karin.
“Wararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey. Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen dembiyada raggan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan’.”
Hadalka kasoo baxay xafiiska Xasan Sheikh ayaa u muuqdo mid soo daahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com