Gaas oo la doonayo inuu Shariif ka raali geliyo khudbad uu jeediyey 4 sano ka hor

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah salaadiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Puntland inuu raali geliyo Musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Arintaasi ayuu Suldaanka kala jeeday hadalkii afar sano ka hor uu jeediyay C/Welli Xiligii tartanka adag uu u dhaxeeyay Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ahaa in loo hiiliyo isbadalka.

Suldaanka oo kamid ah salaadiinta beelaha Daarood ayaa sheegay in Sheikh Shariif Xiligan uu yahay ruux wax badan fahamsan loona baahan yahay in markaan loo hiiliyo.

Hadalkii C/Welli Gaas ee doorashadii 2012 ayuu sheegay inuu mid sababay in xilka uu waayo Sheikh Shariif, wuxuuna suldaanka dalbaday in C/Welli Gaas uu raali geliyaa Sheikh Shariif ama uu shaaciyaa in mar kale isbadal loo baahan yahay.

Sheikh Shariif oo wareegyada doorashada codad badan helay ayaa qeybta dambe ee doorashada waayay codadka guusha, maadama markii C/Welli gaas uu ku dhawaaqay in isbadal loo baahan yahay dadkii taageersanaa ay codadka siiyeen sida loo wada badinayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com