Xog: Qorshe ciidamo Amisom ah lagu geynayo Cadaado oo socda

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa baaritaano amaan lagu xaqiijinayo ka sameeyay magaalada Cadaado iyo deegaano kale oo Galmudug ka tirsan.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa loo xaqiijiyay doorashooyinka la qorsheeyay iney ka dhacaan caasimadaha maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in siweyn loo adkeyn doono amniga magaalada Cadaado ee oo lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiir ku xigeenkka Wasaarada amniga maamulka Galmudug Cali Cabdulaahi Warsame  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aan magaalada Cadaado lagu arki karin koox hubeysan iyo sidoo kale dad qoryo wata oo aan aheyn ciidanka Galmudug.

Dhinaca kale waxaa socdo qaban qaabada sidii ciidamo ka socdo AMISOM loo geyn lahaa magaalada Cadaado si ay amaanka doorashooyinka u xaqiijiyaan, waxaana sidaasi lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay gudiga doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com