XOG: RW CC oo maalmo qura ku qabsaday howl lagu qaban lahaa Sanad kabadan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo weli ku sugan deegaanada maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in xal uu u helay howlaha la xiriira ololihiisa doorasho.

Sharmaarke ayaa mudada uu ku sugan yahay deegaanada maamulka la kulmay inta badan ergooyinka soo xulaaya Xildhibaanada cusub ee dooran doona Madxaweynaha cusub.

Ra’isul wasaare cumar ayaa sheegay inay muhiimad weyn ah u leedahay in Xildhibaanada Puntland kasoo gali doona dhanka Baarlamaanka ay siiyaan codadkooda, waxa uuna ergada ka dhameystay in Xildhibaanadooda ay dhammaan codadka ugu shubayaan Sharmaarke.

Sharmaarke ayaa sidoo kale kulamo aan loo kala kicin la qaatay Siyaasiyiinta la filaayo inay kamid noqon doonaa Baarlamaanka cusub, waxa uuna dhagtooda ku dhibciyay inuu kaga baahan yahay codka.

Siyaasiyiinta ayuu u sheegay in kulankooda labaad uu noqon doono magaalada Muqdisho oo ay ka dhici doonto codeynta inta kasii horeysana looga baahan yahay inay ku taagnaadan axdiga.

Sharmaarke ayaa sidoo kale kalsooni ka sameystay dadka deegaanka ku ah Puntland kuwaasi oo uu la qaatay kulamo uu kaga dhaadhicinaayo inuu yahay Musharax mudan in la taageero.

Sharmaarke oo muddo ku dhow Asbuuc ku sugan Puntland ayaa soo afmeeray ololihiisa, waxa uuna markii horaba ahaa ujeedka socdaalkiisa mid ku xeeran doorashooyinka, waxa uuna muddo kooban ku qabsaday howl loogu tallo galay ku dhawaad sanad.

CaasimadaOnline
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com