AKHRISO Xogta ka danbeysay inay fashilantoo doorashada Somalia ee 2016-ka (Qodobo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Shakiyo is xigxiga ayaa weli ka taagan qabsoomida doorashada Somalia, waxaana laga cabsi qabaa in Somalia aysan ka dhicin wax doorasho ah.

Shakiga ugu badan ayaa imaanaya iyadoo Madaxda ugu sareysa dalka ay caburin ku hayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan uu soo xulay Madaxweynaha Somalia.

Guddiga doorashooyinka ayaa gabi ahaan laga mamnuucay inay faragalin sameeyaan iyadoo aan la-tashi la sameyn Madaxda dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha dalka.

Caqabadaha ugu badan ee ku horgudboon qabsoomida doorashada Somalia, ayaa waxaa kamid ah:
1-Go’aano aan sal iyo baar ku laheyn dastuurka iyo qodobadii lagu heshiiyay.

2-Faragalinta dowladaha deriska la ah Somalia kuwaasi oo caqabad ku ah Hanaanka horumarineyd ee Somalia.

3-Go’aan jilicsan oo cuuryaaminaaya hanaanka doorashada dalka.

4-Khilaaf lagu saleeyo hanaanka loo maraayo doorashada, si aysan u qabsoomin doorashada misna uu wakhtiga u dheereysto Madaxweynaha dalka ee uu wakhtiga ka dhamaaday.

5-Amni darro mar marsiyo u noqotay dib u dhaca doorashada Somalia.

6-Dhaqaale xumi oo hal ku dhig u noqotay Madaxda dalka.

7-La-tashiyo la’aan sharci u noqotay madaxda ugu sareysa dalka iyo go’aano degdeg ah mirro dhalkiisa.

8-Dhismaha maamulka loo dhisaayo Hiiraan Iyo Shabeellada Dhexe oo qeyb ka ah dib u dhacyada ku imaanaya doorashada Somalia.

Dhammaan qodobadaani kor ku xusan ayaa sabab muuqata u ah dib u dhaca ku imaanaya doorashada Somalia, iyadoo haddii aan wax laga qaban qodobadaani ay sabab u noqon karaan inaanu dalka ka dhicin wax doorasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com