“Waxa aan xaqaa u leenahay yaan cid kale lagu quudin mana tanaasulin”waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxa wali taagan cabashada laga muujinaya maqnaanshaha beelaha qaar ay ka tabanayaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wali aysan ka tanaasulin cabashadii ay qabeen oo aheyd xubnaha beeshooda ee baarlamaanka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay mar naba aysan aqbaleynin in dad gaar ah lagu quudiyaa xubnaha ay ku leeyihiin baarlamaanka imaanaya.

“Doorashooyinka cid shakhsi u leh ma jirto, waa dhisme qaran ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayay dan ugu jirtaa, cid gaar u leh ma jirto, waxaa loo baahan yahay in cadaalad iyo sinnaan loo fuliyo.

“Annagu  waxaan dareennay iney wax maqan yihiin oo dadkan ka soo jeeda beelaha waqooyi wax ka maqan yihiin baanu qoonsanahay taas oo idinkuba aad ka warqabtaan, Somaliland iney goonni isku taagto waxaa ka lifay cadaalad xumo.

“Dadkayaga matalaya midnimada Soomaaliye ee Koonfurta joogaa waxaan dareenay in xuquudii Somaliland ay maqan tahay, waxaan diidanahay cad quureed aan ku siiyo ee ha ka hadlin”.ayuu yiri xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com