Xog: Cabdi Weli Gaas iyo odayaasha Puntland oo madaxa isla galay, Faroole oo dhaliil billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Khilaaf aan sidaa usii buurneyn uu ka dhex curtay Madxaweyne C/wali Gaas iyo Odayaasha maamulka Puntland.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qodobada uu soo bandhigay Gaas kuwaasi oo uu sheegay inuu uga tanaasuli karo 4.5.
C/wali Gaas ayaa la imaaday ku dhawaad 9 qodob oo ay ku jiraan kuwo meesha kasaaraya awooda DFS, balse waxaa qodobada qaar diiday Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, iyadoo leysla gartay in qodobada wax u dhibaaya awooda Dowlada laga saaro shuruudaha Puntland.

Odayaasha ayaa aad uga carooday ilaa Seddex qodob oo ay wateen kuwaasi oo laga saaray shuruudaha, waxaana la sheegayaa in iminka uu mugdi galay kulamadii u dhexeeyay Gaas iyo Odayaasha.

Odayaasha ayaa aaminsanaa in duruufta haysata DFS ee ku aadan ka tanaasulka 4.5 looga faa’iideysto si waxyaabaha ay Puntland ka tabaneyso Dowlada loo saxiixo.

Odayaasha ayaa C/wali Gaas ku wargaliyay in marnaba aysan ku qanacsaneyn qaabka uu u dhacaayo heshiiska Dowlada Somalia iyo Puntland, waxa ayna dhaliil lixaad leh ka muujiyeen qodobada heshiiska laga saaray.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, ayaa isna la sheegayaa inuu aad uga xunyahay qaabka ay Puntland u aqbaleyso 4.5, waxa uuna dhaliisha ugu badan ka muujiyay qodobada ay Puntland hordhigtay Ra’isul wasaaraha dalka.

Dhanka kale, waxaa wali socda kulamo gaar gaar ah oo Puntland ay ku dalbaneyso in qodobada qaar lagu daro shuruudaha ay wataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com