25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xog: Sheekh Shariif oo Muqdisho kusoo wajahan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo howlo Siyaasadeed u imaan doona magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Somalia, ayaa lagu wadaa in mudada uu joogo dalka uu kulamo la kala qaato Siyaasiyiin isugu jira Soomaali iyo kuwa Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa iminka loo diyaariyay in kabadan 70 Askari, kuwaasi oo la qorsheynaayo in la kordhiyo lana gaarsiiyo ilaa 200, waxaana iminka socda diiwaangalinta Ciidamada ilaalada u noqon doona.

Sheekh Shariif ayaa waxaa magaalada Muqdisho looga diyaariyay laba goob oo midi uu yahay deegaankiisa, halka goobta kale ay noqon doonto Hoteel Laf-weyn oo uu ku qaabili doono Madaxda kala ceynka ah.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa waxaa laga dareemayaa imaanshiyaha Sheekh Shariif, waxa ayna dadku yihiin kuwo u saadaalinaaya in mar kale uu qabsado talada dalka si loo helo nidaam ka duwan kan iminka taagan ee hadal heyntiisu noqotay Musuq, Eex iyo maamul xumi.

Docda kale, Sheekh Shariif ayaa taageero lixaad leh ka heysta in ka badan 7 Dowladood oo u badan Reer Galbeedka, halka Seddex Dowladoodna ay yihiin African.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News