Xog: Dadaallada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka shaqeeyay sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya. 

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ka shaqeeyay sidii la isugu keeni lahaa madaxda maamulada iyo kuwa mucaaradka iyadoo ay goobjoog yihiin wakiilada caalamka. 

Sidoo kale labadan madaxweyne ee hore ayaa xoog badan geliyay sidii ay dhinacyadu isu fahmi lahaayeen, waana sababta keentay in ay qabsoomaan shirar u gaar ah 5-ta Madaxweyne ee maamulada dalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in waqtiyada qaar ay goobjoog u noqdeen ka gudbidda qodobo la isku mari waayay inkaatoo ugu dambeen shirkii uu istaagay. 

Isu keenida iyo u kala dab qaadida dhinacyada siyaasadda Soomaaliya waa howl u taala Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu qeyb ku leeyahay khilaafyada dalka. 

Dad badan ayaa qaba in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka ay qaateen doorkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, doorkaas oo ahaa isku wadida dalka iyo dadka.

Labada madaxweyne hore ayaa ka go’an in xal laga gaaro khilaafyada jira, si dalka uu u galo doorasho, taasi oo haddii aysan dhici horseedi karta qalalaase amni.