Xog: Dagaal dhexmari rabay ciidamada Filish iyo Xijaar oo laga baajiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog rasmi ah ku heshay, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho. 

Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay. 

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole, oo guddoomiye Cumar Filish kula kulmay xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday degmada Heliwaa, aya u sheegay in la soo siiyay amar joojin ah balse uu diiday fulintiisa. 

“Waxaa ammar laygu siiyay inaa joojiyo shaqadii aad halkaas ka waday guddoomiye, anna waxaan dalbaday in warqada lagu cadeeyo inaa awood ciidan duqa Muqdisho oo ciidan wata uga joojiyo dhismaha socda waana ku dhiiran waayay taliyahayga,” ayaa laga soo xigtay Farxoon Qaroole, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa hadda bilaabay in uu lacag ku bixiyo in warbaahinta ka hadlaan Naafada Qaranka oo ay maamulka gobalka Banaadir ku eedeeyaan in uu dhulkaas boobay. 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowaan ammar ku bixiyay laba dhinaca ee Bari iyo Galbeed ee Dekadda Muqdisho barxado ku yaala lagu wareejiyo darbi lagana dhigo baakinka gaadiidka gala Dekadda Muqdisho oo jaam badan ka sameeyay waddooyinka Gobalka Banaadir. 

Ma cadda halka ay arrintan ku dhammaan doonto, balse sida muuqato ma huri doonto inuu soo farao-geliyo madaxweyne Farmaajo.