Xog: DF oo billowday qorshe lagu go’doominayo Axmed Madobe laguna qabsanayo qeybo ka mid ah J/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo la bilaawday guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia ay billaabeen in ay wada-hadal la galaan guddoomiyaasha degmooyinka, Badhaadhe, Afmadow iyo degaanka Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

“Is-maqalkii ugu horreeyay ayaa dhacay, waxaana ku jira dadka lala hadlay saraakiisha ciidanka ee degmooyinkaas, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah u billowdo xiriirka labada dhinac” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana xog ogaal u ah arirntan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ay gacanta maamulka Jubbaland uga saareyso degaanada maamulkaasi, marka laga reebo magaalada Kismaayo oo uu ku xoogan-yahay maamulkaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in haddii maamulka Axmed Madoobe lagala wareego degmooyinka aan soo sheegnay ee Jubada Hoose, ay suurta-gal tahay in si fudud looga saari karo Kismaayo oo ah meesha kaliya oo ay ku hari doonaan.

Sidoo kale Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay qabsato Jubada Dhexe, kadibna ay degaanada Jubbaland ka dhisto maamul cusub oo la shaqeyn kara Xukuumadda Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo dowladda ay iminka si buuxda gacanta ugu dhigto gobolka Gedo.

Lama oga halka ay ku danbeyn doonto xiisadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya oo gaartay heer aad u sareeyo. Xiisadda labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badasho xaalad ciidan hadii aan si deg deg ah loo xalin.