Xog: DF oo ciidankii ilaalada ka reebatay jenaraallada milateri ee aan xilalka heynin

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in taliska ciidanka Milateriga Soomaaliya uu amar ku bixiyay in ay xarumahooda ku soo laabtaan ciidanka ilaalada u ah qaar kamid ah Janaraalada ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saraakiisha la beegsaday ee laga qaadayo ciidanka ilaalada ah ay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda Muqdisho iyo goballada ku teedsan, waxaana arintaas lagu sheegay beegsi gaar ah.

Janaraalada ciidanka la socdo lagu amray in ay soo laabtaan waxaa kamid ah Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, Janaraal Gacma-dule, Janaraal Qaafow, Janaraal Madiino, Janaraal Buraale iyo kuwa kale.

Saraakiishaan ayaa qeyb ka ah Milateriga Soomaaliya waxayna ku sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo goobo kale lamana oga sababta ciidanka looga qaadayo.

“Waxaa noo yeeray Janaraal Odawaa, markaa u tagnay oo aan weydiinay waxa uu noo sheegay in uu yahay amar ka weyn isaga waxaana muuqato beegsi gaar ah,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha laga qaaday ciidankii Istaafka u ahaa.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xubnaha la beegsaday oo u badan hal beel oo ah Hawiye looga cabsi qabo in ay ilaaliyaan ama la shaqeeyaan Madaxdii hore ee Qaranka oo hadda kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.