Muxuu Xisbiga Wadajir ugu soo horjeestay hannaanka maamul dhisida HirShabelle?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Wadajir ee ka mid ah xisbiyada dalka ka jira ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay walaaca ay ka qabaan hanaanka dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Qoraalka kasoo baxay Xisbiga uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuru Warsame ayaa lagu dalbaday in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha dega halkaas intaan maamulka la dhisin.

Sidoo kalana waxey ku baaqeen in hanaan siman looga wada qeyb galo dhismaha maamulka iyadoo loo marayo hab dib u heshiisiin ah.

Wadajir waxey walaac weyn ka muujineysaa in dhismaha Hirshabelle lagu saleeyo hanaankii hore, waxeyna ka digeen in dhismaha maamulkaan aan lagu saleyn sad bursi ku saabsan xildhibaanada deegaankaas kasoo galaaya Baarlamaanka Federaalka.