Ciro oo shaaciyey arrin ay isku hayaan Muuse Biixi iyo qorshe ku aadan doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa daboolka ka qaaday tartanka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi, isagoona shaaciyey qorshe cusub oo uu ku wajahayo doorashada Somaliland.

Guddoomiye Ciro oo khudbad ka jeediyey munaasibad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ayaa sheegay in isaga iyo Biixi ay isku hayaan awooda kursiga hadda uu ku fadhiyo madaxweynuhu, oo kaga guuleystay doorashadii 2017-kii.

Ciro ayaa hoosta ka xariiqay in xiligan uu xisbigiisu si weyn ugu diyaarsan yahay sidii uu kursiga uga tuuri lahaa Muuse Biixi, isagoona sheegay in xooga uu saarayo sidii uu taageeradii ka hiilisay doorashadii hore uu kala soo wareego xisbiga tallada haya.

“Dagaal kale ma jiro, laakiin awooddaa lagu tartamayaa, Muuse Kursiga uu ku fadhiyo ayaanu isku haysanaa, Aniga iyo Muuse Kursiga ayaanu isku haysanaa” ayuu yiri Ciro.

Wuxuuna intaas ku daray “Markii hore haddaan ka dhacsan kari waayay, waxaan rabaa inaan hadda ka dhacsado oo aan taageeradiina kaga dhacsado”.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in xisbiga Waddani uu abaabulayo jabhado iyo kooxo kasoo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qaab nabdoon ay xilka ula wareegi doonaan, maadama uu ku doodayo in xisbigiisu uu helayo doorashada soo socoto taageero ka badan intii hore oo u horseedi karta guul.

“Inagu qoryo ma qaadanayno, Hanaan Dimuqraadi ah ayaynu ku saarnay, Dadkana waa la kala riixanayaa, xisbiga Waddani-na Rejo badan buu qabaa, awooddiisii berigii dhawayd inuu mid ka badan helo ayaanu rajeynaynaa” ayuu yiri.