Al-Shabab oo weeraro culus ka fulisay dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo xad la leh Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday gaari Bas ah oo ay ku socdaalayey inta u dhexeysa degmada Ceelwaaq & Kotulo.

Gaariga la weeraray oo ay la socdaan dad badan ayaa ka amba-baxay magaalada Mandheera , wuxuuna ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska ee ka howl-gala gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 8 ruux oo ka mid ahaa rakaabka la socda gaariga, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo daran.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa sidoo kale howl-gallo ka bilaabay deegaano dhowr oo dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale dagaalyahano ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin magaalada Wajeer oo iyana ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalkaasi.

Weerarka oo uu xigay dagaal toos ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka (Konton) oo hoostaga Degmada Qorof Xaraar ,halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ha horreeyey.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.