Maxamed Bin Salmaan ‘oo booqasho ku tegay’ Israel

Beirut (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa dhowr jeer booqasho ku tegay Israel dhowaanahan, waxaa sidaas shaaciyey mid ka mid ah TV-yada ugu afka dheer Bariga Dhexe.

Warka ku saabsan booqashooyinka Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa weriyey taleefishinka Al Mayadeen ee Lebanon, oo la hadlay sarkaal sare oo horey uga tirsanaa sirdoonka Israel, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Warbixino ayaa sheegaya in Maxamed bin Salmaan uu dhowr jeer ku raaxeystay cad-ceedda Tel Aviv,” ayuu yiri sarkaalka horey uga tirsanaa hay’adda Shin Bet ee amniga gudaha Israel, oo la hadlay taleefishinka.

Mid ka mid ah booqashooyinka Bin Salmaan ee Tel Aviv ayaa la rumeysan yahay inay dhacday bishii October 2017.

Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan diiday inay si rasmi ah u cambaareyso xiriirka dhex-maray Israel iyo Imaaraadka Carabta. Si kastaba Sacuudia Carabiya waxay sheegtay inaysan xiriir la sameysan doonin Israel, inta laga helayo dal Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Feysal bin Farhan Al Saud waxaa uu yiri “Waa in nabad lala gaaraa Falastiiniyiinta, taasi oo ku saleysan heshiisyadda caalamiga ah, sidoo kalena shuruud u ah hagaajinta xiriirkeena.”

Sacuudi Carabiya waa qaadimka labada Xaram ee barakeysan, wayna ku adkaan doontaa xiriir rasmi ah oo ay la yeelato Israel, si ka duwan Imaaraadka Carabta iyo Bahrain oo sidaas sameeyey, waxaase la rumeysan yahay inuu jiro xiriri qarsoodi ah.

Fallanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ayaa sidoo kale rumeysan in Imaaraadka Carabta iyo Bahrain aysan ku dhiiradeen xiriir Israel, haddii aysan raali ka ahayn Riyadh.