Cali Cosoble: “HirShabelle iyada oo meyd ah ayey ku baxsan la’dahay qabriga”

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee HirShabelle, mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar culus ku qaaday guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, isaga oo sidoo kale ka horyimid jadwalka doorasho ee ay soo saareen.

Cosoble ayaa sheegay in guddiga farsamada ay heysato xirfad xumo, islamarkaana ay yihiin ciyaal laga soo magacaabay hal xafiis oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaantood ay ka tirsanaayeen shaqaalaha xafiiska madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in HirShabelle ay haatan ka baxsan la’dahay dhibaatooyinka ku hareereysan, iyada oo ku jirto marxalad aad u adag.

“Hirshabelle iyadoo Meyd ah ayeey Qabriga ku baxsan la’dahay.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay weli aysan muuqan hannaankii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada dowlad goboleedka HirShabelle.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada shalay guddiga doorashada HirShabelle uu soo saaray jadwal cusub, balse waxaa ka horyimid madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo waxba kama jiraan ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in uu guddiga u baahan yahay dhammeystir.