Ujeedka safarka R/W Kheyre ee JABUUTI iyo qorshaha Geelle ee doorashada 2021

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisii ugu horreeyay uu isugu diyaarinayo ololaha doorashada ka billaabay dalka Jabuuti, waxaana jira warar soo baxaya oo qeexaya ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya socdaalkiisa.

Wararka ay heleyso Caasimada Online waxey sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uu u tagay Jabuuti in lasoo dhameeyo mad-madowga yar ee soo kala dhex-galay isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana howshaan garwadeen ka noqday ganacsade aan magaciisa la carabaabin.

Madaxweynaha Jabuuti oo mar walba taageero u ahaa dowladahii soo maray Soomaaliya ayaa dareemaya in dowladda Farmaajo ay weecisay doorkoodii, waxeyna xiriir dhaw la sameeyeen Eritrea oo dhul ka haysata Jabuuti, taasna waxey u arkeen in xiriirka diblomaasi ee labada wadan dhinac loo wiiqay.

Iyadoo ay taasi jirto hadana Kheyre hadda kuma jiro xukuumadda hadda jirta, walow uu mad-madowga jira yimid xilligii uu ra’isul wasaaraha waddanka ka ahaa, sidoo kale waxaa la wiiqay doorkii Ismaaciil Cumar Geelle uu mar walba ku lahaan jiray siyaasadda Soomaaliya iyadoo loo weeciyay dhanka ra’isul wasaaraha itoobiya.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ku jiray liiska dadka ugu calaamdeysnaa Ismaaciil Cumar Geelle iney la gadiyeen, balse haatan waxaa la leeyahay waa lasoo dhameeyay mad-madowgii jiray.

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la rumeysan yahay inuusan dooneyn in Farmaajo dib loo soo doorto, mana cadda musharaxa uu taageerayo, inkasta oo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu taageersan yahay Kheyre.