Weerar khasaare geystay oo markale xalay lagu qaaday garoonka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanada Al-Shabaab weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Weerarka hoogbiyeyaasha ee lala beegsaday garoonkaas ayaa waxaa la sheegay in laga soo tuuray dhanka koonfur bari ee caasimada Galmudug.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicdaas ay qiyaas ahaan gaareyso illaa 10, islamarkaana ay ku dhaceen hareeraha garoonka Ugaas Nuur oo ay dagan yihiin ciidamada howl-galka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal).

Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhaawacan-tay hoobiyeyaashaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka magaalada, gaar ahaan deegaanada la tuhmayo in laga soo ganay madaafiicdaasi.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe bilaabay inau weeraro ku qaadaan caasimada Galmudug oo sanadihii la soo dhaafay ka caaganeyd dagaalka kooxdaasi, waxaaa horey gobollada dhexe kaa saaray Ururka Ahlu Sunna Waljamaac oo hadda meesha ka baxay.