25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: DF oo laba sabab u baajisay munaasabaddii weyneyd ee December 20

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, waxaa sanadkan dabaal dagyo waa weyn loo sameyn doonin aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bisha 12-aad ee sanad kasta.

Booliska Soomaaliya ayaa la aas-aasay December 20, 1943-dii, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan 77 sano guuradii ka soo wareegtay maalintaas oo aheyd ka hor xorriyadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sheegay in sanadkaan aysan jirin munaasabado waa weyn iyo dabaal dagyo, balse la filayo in la qabto isu imaatin kooban ama kulan aan weyneyn, kaas oo ay ka qeybgeli doonaan mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Sababta aan sanadkaan loo qaban doonin dabaal dagga ayaa lagu sheegay in laba arrin oo kala ah.

Cabsi dhanka amaanka oo ay muujiyeen ilo sirdoon oo muhiim ah, kuwaas oo sheegay in ay jiraan shaqsiyaad iska soo dhigay booliska Soomaaliya oo damacsan ay in ay fuliyaan weeraro Ismiidaamin ah.

Iyo sababta kale oo lagu sheegay in mashquulka siyaasadeed oo jira iyo khilaafka doorashada aysan suurta gelin karin in la qabto dabaal dagyo maadaama magaalada Muqdisho uu ka jiro culeys weyn oo arintaas ah.

Wali ma jiro war sugan oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Booliska oo xaqiijinaya in guud ahaanba la joojiyay dabaal daga iyo sababta loo joojiyay,  waxaana munaasabada ka dhiman saacado kooban.

- Advertisement -

Read more

Local News