Xog: DF oo lacag ka dhigtay baakinka gaadiidka ee garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), ayaa lacag ku soo rogay Shirkadaha iyo shaqsiyaadka Gaadiidka leh islamarkaana dhigta qaybta Baakinka ee Airport-ka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online oo la hadashay qaar kamid ah darawaliinta ka shaqeeyo Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay noo sheegeyn in saacad kasta oo kamid ah inta gaariga Baakinka ku jiro lacag laga rabo milkiilaha Gaarig, waxaana loo kala qaaday laba qayb oo kale ah.

  1. Gaadiidka ka diiwaan gashan Airport-ka isalmarkaana ka shaqeeyo Gudaha Garoonka ee dadka qaada nuuc kasta oo kamid ah Saacadiiba waxaa laga rabaa lacag dhan $2 dollar, mana jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo.
  2. Iyo gaadiidka aan ka shaqeynin garoonka balse ay wataan shaqsiyaadka katirsan Shaqaalaha Gobalka ama dad kalaba oo iyagana laga rabo lacag gaareysa $3, Saacadiiba. Sidoo kalane ma jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo.

Qof ka tirsan shaqaalaha Airport-ka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in haddii gaari la dhigo Baakinka Airport-ka ay ku waajibeyso lacagta aan soo sheegnay, xataa hadii uu 5 daqiiqo yaalo Baakinka.

Qaybta Gaadiidka la dhigto ee Airport-ka magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga taagay Tabeelayaal ay ku qorantahay sharuudaha bixinta lacagta iyo qaababka loo bixin doono.

Sidoo kale waxaa boorarka qaarkood ku qoran digniino loo jeedinayo qofkii bixin waayo lacagtaasi, waxaana la sheegay in Talaabo adag laga qaadi doono qofkii diida oo Islamarkaana gaari soo dhigta Baakinka.

Gaadiidleyda ayaa hadii ay ka baaqsadaan Baakinkaas, heli doonin shaqooyinkii ay qabsan jireen oo ah in Garoonka gudahiisa laga soo qaado ama la geeyo dadka Safraya. Sharcigaan oo hadda ku cusub  Soomaaliya ayaa dhanka kale ah Sharci si guud ugu jira wadamada Caalamka marka laga reebo kuwa aan badneen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com