Xog: DF oo naas-nuujineysa Guuleed & xil cusub oo la qorsheeyey in la siiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka Faarax C/qaadir, ay wadaan in Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga C/kariin Gulled loo magacaabo Maamulka iminka socdo dhismihiisa ee Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan, ayaa waxa uu Saraakiisha iyo Madaxda Gobolada Dhexe ka dhaadhacsiiyaya in Maamulkasi loo dhiibo C/kariin Guuleed, haddii ay noqoto in beesha Sacad ay qaadato madaxweynaha maamulka, waxaana la tilmaamayaa inay aqbaleen.

Waxaa sidoo kale horey u jiray waarar sheegaya in Kamaal Guutaale oo ahaan jiray agaasimihii Villa Somalia xilkaas loo magacaabayo, mana cadda cidda ku guuleysan doonta.

Waxay ku xirnaan doonta beesha qaadata madaxweynaha maamulkaasi, maadaama Guutaale uu kasoo jeeda beesha Saleebaan, Guuleedna beesha Sacad.

Xasan Sheekh waxa uu doonayaa in labadan nin aysan midkoodna dhaafin hoggaanka maamulka gobollada dhexe.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in C/kariin Gulleed uu bilaabay kulamo kala duwan oo uu Madaxtooyada iyo  Hoteelada Magaalada Muqdisho kula qaadanayo Odayaasha kasoo jeeda Gobolada Dhexe ee Somalia, isaga oo qal qaalsanaya xilka madaxweynaha maamulka cusub.

Dhanka kale, Ilo ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in C/kariin Gulled uu Safar ku gaari doono Gobolada Dhexe, iyadoona la sheegaayo inuu halkaasi kula kulmi doono Madaxda G/Dhexe, waxaana Ololo xoogan ugu jira Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka tirsan Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com