XOG: Magacyada siyaasiyiin ka cararay KISMAAYO, xilli ay cabsi xooggan jirto

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa usbucan ka bilowday barakac balaaran oo ay samaynayaan Qaar ka mkd ah Shacabka Magaaladaasi, gaar ahaan kuwii soo dagay sanad iyo barkii ugu danbeyay.

Barakacaan ayaa waxaa sido kale qayb ka ah Masuliyiinta ugu saraysa ee maamulka Jubba, oo magaalada isaga baxay ayaga oo aan sheegin wax sabab ah, marka laga reebo inay shaqo u baxayaan.

Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnahan ay magaalada uga baxeen walaac ku saabsan in Barre Hiiraale uu duulaan kusoo yahay magaalada.

Arrintan ayaa waxa ay timid kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba ay weerar ku qaadeen deeganka Goobweyn oo saldhig u ah Ciidamada Barre Hiiraale ee ka tirsan Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka.

Ciidamadii Maamulka Jubba ee Gobweyn weeraray ayaa dib loo soo celiyey, islamarkaana iminka Barre Hiiraale waxa uu ku hanjabayaa inuu dulaan ku yahay Kismaayo.

Col. Barre Hiiraale oo khudbad dheer u jediyay Ciidamadiisa, waxa uu sheegay in Saacad kasta ay gudaha u gali karaan Magaalada Kismaayo loona bahanyahay in Ciidamada Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada ay heegan buuxo galan, hadalkaas oo walaac ka abuuray Kismaayo.

Siyaasiyiinta ka baxay Kismaayo waxaa ka mid ah:-

– Madaxweyne ku xigeenka Axmed Madoobe, Gen. Fartaag
– Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Axmed Madoobe, Cabdiqadir lugadheere
– Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Axmed Madoobe, Cabdiqani Jaamac
– Wasiirka Iskaashiga Axmed Madoobe, Mudane Shanbaara
– Wasiir ku xigeenka Caafimadka Axmed Madoobe
– Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanka, Gen. Darwiish
– Wasiirka Arimaha Bulshada Axmed Madoobe, Macalin Maxamed
– Taliyihii Ciidamada Axmed Madoobe, Gen Saxardiid iyo xubno kale oo darajooyin hoose ka haya Maamulka Axmed Madoobe.

Waa wax aan sahlaneyn in dhammaan xubnahaas miisaanka u leh maamulka Axmed Madoobe ay mar qura magaalada ka baxaan.

Sido kale waxaa Magaalada ka barakacaya Shacabkii Magaalada Kismaayo soo galay ka dib markii ay magaaladaasi gacantiisa gashay Axmed Madoobe kuwaas oo intooda badan ka yimid Dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com