Xog: DF oo si lama filaan ah maanta ciidamo u geysay magaalada Jowhar + Ujeedka

Jowhar (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta si lama filaan ah Ciidamo u geysay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabeelle.

Ciidamada ay Dowladda geysay Magaalada Jowhar ayaa safar dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho, waxayna mareen waddo qardo jeex ah oo aan aheyn wadada laamiga ee isku xirto labada magaalo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka Ciidamadaan ay Dowladda Soomaaliya u geysay Magaalada Jowhar, haddana waxaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay waqtiga doorashada HirShabeelle oo soo dhawaatay, maadaama waqtiga Waare uu gabagabo yahay.

Sidoo kale xilliga ay ciidamadaan tageen magaalada Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada kawada maqan yihiin saddexda mas’uul ee ugu sareysa sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisaba.

Waxaa taagan hadal heyn ku aadan inuu khilaaf ka dhaxeeyo madaxda ugu sareeyo maamulka HirShabelle, waxaana sidoo kale socdo olole waqti kordhin loogu sameenayo madaxweyne Waare.

Madaxda HirShabelle iyo Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin ciidamada maanta gaaray Magaalada Jowhar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ciidamo u geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug, waxaana ugu dambeyn la afgambiyey maamulkii Ahlu Sunna ee gacanta ku hayey Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana hadda taagan cabsi ku aadan in sidaas oo kale laga sameeyo Jowhar.