26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Xog: DF oo wafti ka socday Midowga Yurub u diiday inay tagaan KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in wafdi  ka socday Midowga Yurub laga hor istaagay inay tagaan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wafdigaasi u diiday inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna doonayeen inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay doonayeen inay kula kulmaan madaxda Jubbaland.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii amar ay soo saartay dowladda Soomaaliya laguna wargeliyay inaysan wafdigaasi amar la’aan tagi karin magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose.

Waxaa muuqata in wali uu taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo loo malaynayo  inuu salka ku hayo in wafdiga loo diido magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Jubbaland oo looga hadlayo arinta ku aadan in wafdiga loo diiday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News