KENYA: Caro ka dhalatay soo jeedin ku saabsan in la masaafuriyo Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji

Nairobi (Caasimada Online) – Weriye hore oo ka hawlgaliyey jiray mid ka mid ah raadiyeyaasha Kenya ayaa halis ku jira kaddib markii uu dalbaday in si deg deg ah loo musaafuriyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay kahor tagga weerarada badan ee argagixisada ee dalkaas ka dhaca.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ayuu David Harison Oluoch oo ahaa wariye ka tirsan Raadiyaha Citizen, ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaadan Barre Ducaale, Abuukaate Cabdinaasir Cabdullahi, Senotor-ka Gaarisa Yusuf Xaaji in laga eryo dalkaas.

“Si loo dhammeeyo argagixisada Kenya, dhammaan Soomaalida oo ay ku jiraan Cabdinaasir Cabdullahi, Yuusuf Xaaji, Aamina Maxamed iyo Aadan Ducaale waa in laga eryo Kenya oo ay ku laabtaan dhulkooda hooyo, Soomaaliya si ay uga gacan uga geystaan horumarinta dalkaas dagaalada halakeeyeen,” ayuu qoray.

Isaga oo muujinaya aragtidiisa, Oluoch waxa uu weydiin ka keenay in aan wali Ducaale aysan hay’ada ammaanka aysan kula xisaabtamin weerarkii Jaamacadda Gaarisa kaddib ballan qaadkiisii ahaa in uu magacaabi doono maalgaliyeyaasha argagixisada dalkaas.

“Muddo kahor kaddib weerarkii argagixiso ee Jaamacadda Gaarisa, Ducaale waxa uu ballan qaaday in uu magacaabi doono maalgaliyeyaashii weerarka. Sidee ku dhacday in hay’adaha ammaanka ee dowladda aysan wali u dabagalin arrintaas? Dowladda waa in ay joojisaa in ay shaqooyinka sar sare ee dalka siiyo dad noqon kara argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com