Ilhaan Cumar oo cadaadis xoogan kadib ka laabatay arrin ay ka sheegtay Israel

Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayaa raali-gelin ka bixisay qoraal ay sanadii 2012 soo dhigtay barteeda twitter-ka oo aay u dhibsadeen dadka Yahuudda.

Qoraalkaas ay Ilhaan Cumar ku sheegtay in Israel ay dunida maamusho, ayada oo ficillo xun sameynaysan, waxayna sheegtay inaysan fahamsaneyn xiligaas in erey ay adeegsatay uu aflagaado ku yahay dadka Yahuudda.

Ilhaan Cumar ayaa dhowaanahan aad loogu dhaleeceynayey qoraalkaas, oo xilligii ay qortay uu socday dagaalkii Gaza ee dhex-maray Israel iyo kooxda Xamas.

Ilhaan Cumar ayaa tiri “Ereygaas [hypnotize] waxa uu ahaa midka aan ka fakari karay xiligaas, mana ogeyn inuu xadgudub ku ahaa dadka Yahuudda” Ereyga ay ka hadleyso Ilhaan ayaa macnihiisu yahay in dareenka dadka la maamulo, ayada oo Yahuudda lagu xanto inay dunida si dadban u maamulaan.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in markaas uu ujeedkeedu ahaa kaliya inay dareenka dunida kusoo jeediso dagaalka Gaza, oo aysan damacsaneyn inay u gafto Yahuudda.

“Waa muhiim inaan kala saaro cambaareynta ficillada dowladeed iyo weeraridda dadka diin gaar ah aaminsan. Kama xishoon doono inaan cambaareeyo dowlad kasta, haddii ay noqoto Sacuudi Carabiya, Soomaaliya ama xitaa dowladdeena” ayay tiri.

Waxaa muuqda in cadaadis xooggan oo maalmahan ay Yahuudda iyo warbaahinta Mareykanka ku hayeen Ilhaan, in ugu dambeyn ay ka tanaasushay qoraalkeeda oo ay muddo difaaceysay kuna adkeysaneysay.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com