Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa isku shaandheyn shalay ku sameeyay qaar kamid ah wasiirada maamulka Hirshabeelle oo ay kasoo muuqdeen xildhibaanadii ugu badnaa.
Seddex kamid ah wasiirada maamulkaasi wax isbadal ah laguma sameyn, waxaana seddexdaasi wasaaradood ay kala yihiin wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Arimaha Gudaha iyo wasaaradda amniga.
Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in isbadal lagu sameeyo wasaaradahaan oo markii hore la doonayay in buuq badan uu ka dhashay, kaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Seddexda wasiir ayaa waxaa kala wata seddexda masuul ee ugu sareyso waana sababta madaxda ugu sareyso Hirshabeelle ay isku qabteen markii hore taasi oo dhalisay inaan mar walbaa uusan saameyn isku shaandheynta golaha wasiirada.
Wasiirka Maaliyadda waxaa wata madaxweynaha Hirshabeelle oo isku deegaan ay yihiin, wasiirka amniga waxaa wata guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay yihiin halka wasiirka amniga uu wato madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaano badan oo wasaarado yaryar la siiyay inay arintaasi ka caroodeen, islamarkaana ay wadaan abaabul ka dhan ah madaxda oo ka socdo Jowhar.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in abaabulkaan uu ku bixi karo guddoomiyaha baarlamaanka, balse guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saaxiib dhow la ah xukuumadda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiska Jowhar
[email protected]

