28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh: Sida hadda wax u socdaan dalka uma baahna ee ha la beddelo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha hadda uu dalka marayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in xooga la saaro.

Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo ka hadlay Sooyaalka Soomaaliya 100 kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in qaanuunka iyo sharciga gacan adag lagu qabto.

Taasi badalkeeda ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacan adag ku qabato shaqsiyaadka mucaaradka ah ee kasoo horjeedo aragti ahaan.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale sheegay in haddii la adkeeyo Sharciyada iyo qaanuunka dalka ay wax badan hagagayaan balse haddii shaqsiyaad la weeraro inay ka dhalan karto culeesaad kale.

“Dadka qaar ayaa dhahaya, dowlad xoogan badan oo gacan dadka ku qabata ayaa loo baahan yahay, waa qalad taasi Dalkan waxa uu u baahan yahay Qaanuunka iyo Shuruucda oo la adkeeyo ee uma baahno Shaqsiyaad Dalka Gacanta ku qabta”ayuu yiri Xasan Sheikh.

“Beelihii meel degen ayaa lagu xad gudbayaa, shaqsiyaadkii ayaa lagu xad gudbayaa, sidaa dalkaan kuma hagaagayo ee wuxuu dalka u baahan yahay in sharciga la adkeeyo”ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyaa dowladda Soomaaliya inay si ka duwan siduu dadka ula dhaqmi jiray inay ula dhaqanto shaqsiyaadka mucaaradka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News