XOG: DF oo ka laabatay dacwadii ay u gudbisay ICJ ee BADDA SOOMAALIYA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka laabatay dacwad ay ka gudbisay dowladda Kenya oo ku aadan muranka xagga badda ee labada waddan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen in laga laabto dacwadda loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICJ isla markaana wax kasta oo ku aadan muranka labada dal lagu xalliyo qaab kale.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo la weydiiyay arrintaas ayaa ka gaabsaday balse wuxuu caddeeyay ka hor inta aanu dacwad ka gudbin Kenya in kulamo hoose ay u socdeen khuburo ka socda Kenya iyo Soomaaliya kuwaasoo muddo lix bil muranka badda ka hadlay balse wax natiijo ah aaney ka soo bixin.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in wax dagaal ah aanu ka dhexeynin labada waddan balse Soomaaliya ay xaq u lee dahay in ay ilaalsato biyaheeda.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa horey u sheegay Kenya in ay xad gudbub ku sameesay badda Soomaaliya isla markaana ay keensatay shirkad ajnebi ah.

Si kataba, madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan muranka badda ay ku yeesheen magaalada New York marka uu dhammaado shirka loo dhan yahay ee golaha ammaanka QM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com