XOG: Faarax C/qaadir oo diiday 2 arrin oo uu Col. Barre Hiiraale ka codsaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Saraakiil ku dhow-dhow Col. Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Somalia Faarax C/qaadir uu ku gacan seeray inuu Col. Barre uu ku cadaadiyo inuu ka qeybgalo shirka Kismaayo iyo inuu ka talo qaato Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madooe.

Wararku waxa ay Tilmaamayan in Barre Hiiraale iyo Faarax C/qaadir ay isku fahmi waayen arrintaasi, waxa uuna Barre ka dalbaday Faarax iyo Dowlada Federaalka Somalia in Ciidamadiisa looga soo saaro Xarunta laga dajiyay Magaalada Kismaayo.

Col. Barre ayaa la Tilmaamayaa inuu ku doodayo in marnaba uusan diyaar u aheyn in loo shirqoolo Axmed Madoobe waxa uuna ku nuux-nuuxsanayaa inuu Ciidamadiisa kala soo baxaayo Kismaayo, islamarkaana uu dib ugu celin doono Deegaanka laga soo kaxeeyay ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Faarax C/qaadir oo ka duulaya codsiyo kaga imaaday dhanka Saraakiisha Ethiopia ka jooga Xarunta Xalane iyo Villa Somalia ayaa waxa uu Barre u gudbiyay laba Arrin oo kala ah:

1-Inuu Ciidamadiisa iyo wixii saanad  Militeri ee uu haayo si rasmi ah ugu wareejiyo Hoggaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

2-In Mab’da ahaan iyo Siyaasad ahaanba uu ka talo qaato Hoggaanka sare ee Maamulka Jubba, sida la tashiyada, ciidamada, maamul wanaaga IWM.

Dhanka kale, Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu ka biyo diiday inuu aqbalo qodobadaasi iyo kuwa u dhowba, waxa uuna ku wargaliyay Faarax C/qaadir iyo DFS in gabi ahaanba uu ka laabtay Heshiiska, islamarkaana uusan diyaar u aheyn inuu fakir la wadaago Maamulka Jubba.

Arrinta Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa xiligaani mareysa meel adag, waxaana laga deyrinayaa in mar kale xal Siyaasadeed laga gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com