Xog: R/wasaare Cabdiweli oo Puntland ku taageersan xayiraadda GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in C/Wali Sheekh Axmed uu Hoos wax kala wado Maamulka Puntland, sidoo kalena uu raali ka yahay Xirnaanshaha Garoonka Galmudug.

Xubno kamid ah Shaqaalaha Xafiiska RW C/wali Sheekh Axmed oo Magacooda codsaday inaan la baahin, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha go’aansaday inuu ka aamuso Xiisadaha ka dhex taagan Galmudug iyo Puntland ee ku qotanta Xirnaashaha Garoomada Labada dhinac ee Gaalkacyo.

Ujeedka uu RW C/wali uga aamusay Daandaansiga Puntland ay tahay sidii loo baajin lahaa Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo dhawaan ka furmaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo Maamulka Puntland kasoo horjeedo, maadaama qeybo kamid ah Mudug ku jiro.

Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka oo kasoo jeeda Gobolka Mudug, ayaa dhankiisa sheegay in daandaantisa Puntland ay ku hayso Maamulka Galmudug uu yahay “Gardarro Garab og”, oo Taageero buuxda ka haysata Ra’iisul Wasaaraha DFS C/Wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa tusaale usoo qaatay in RW C/Wali Sheekh Axmed la safan yahay Puntland in Beelaha Leelkase iyo Carab Saalax uu ka saaray Bishii July Beelaha Maamulka loogu samaynayo Magaalada Cadaado, waxaan uu u sheegay inaysan kasoo bixi karin Maamulka Garoowe.

Iyadoo taasi ka duulaysa, Puntland ayaa billowday inay Cunaqabatayso Shacabka Mudug, gaar ahaan kuwa Galmudug oo uu Maamulka Garoowe ka xiray Garoonki Diyaaradaha ee ay dhawaan ka samaynsteen Koonfurta Gaalkacyo, taasina u aragtay Galmudug ‘daandaansi’.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale Ciidamo wata Hub Culus iyo Gaadiid Dagaal oo badan Maalmihii lasoo dhaafay soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto Galmudug, waxaana Ciidamadaasi ugu hanjabeen Diyaaradihii tagi jiray Garoonka Galmudug inay soo ridayaan haddii ay halkaasi kusoo degaan.

RW C/Wali Sheekh Axmed, ayaa Puntland ku taageeray inay caburiso Shacabka Galmudug, sidoo kalena ay bur buriso Shirka Maamul u samaynta Galgaduud iyo Mudug, waxaana tallaabadan ay noqotay mid si aad ah u hadal hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

RW C/wali Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu Qas iyo Khilaaf ka dhex abuuray Xubnaha Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe si uusan u qabsoomi Shirka Cadaado, oo haddii uu hergelo Caqabad ku noqon doona Puntland.

Isha: KON